Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Qaramada Midoobay leedahay oo ka burburtay Meel ku dhow Ethiopia (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya xuduuda ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Sudan-ta Koofureed  ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ku burburtay deegaanka Pagak oo ku yaala xuduuda labada dal.

Qaramada Midoobay ayaanan wali ka hadlin burburka diyaaradda, lamana sheegin khasaaro ka dhashay diyaaradda ku burburtay deegaanka Pagak  ee dalka Koofurta SUdan kuna dhow xuduuda Ethiopia.

Diyaaradda ayaa ka duushay deegaanka Pagak waxaana la sheegay inay kusii jeeday magaalada Malakal ee Koofurta Sudan, iyadoo burburtay waxyar kadib markii ay duushay.

Diyaaradda ayaa qeyb ka aheyd howlgalka Qaramada Midoobay ee Sudan, mana jiro war kasoo baxay ilaa iyo hadda howlgalka UN-ka ee Suudaanta Koofureed.

La soco waxii kusoo kordhaa Burburka diyaarada.

53819530_1070189343169065_22720461993242 54516022_1070189323169067_49103933574123 Diyaarad-696x522.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this