Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray magaalada Muqdisho (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Wafdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa ku jira xildhibaano wasiiro, ganacsato, saraakiil ciidan, xubno ka tirsan madaxtooyada Jabuuti iyo Fanaaniin muddo aanan imaan Soomaaliya.

Fanaaniinta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa kamid ah Xasan Aadan Samatar oo sheegay in 30 sano uusan  imaan magaalada Muqdisho, waxaana waqtigiisa ugu badnaa uu ku sugnaa dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle waxaa uu qorshaha yahay inuu xariga ka jaro safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho oo noqoneyso safaaradda labaad ee ugu weyn ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale uu dhagax dhigi doonaa mashaariic dowladda Jabuuti ay ka hirgelineyso dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu qorshaha uu yahay inuu tago magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan..

2-2.jpg

53847923_10215478913419712_7344175397900 53894650_10215478913139705_1161702234531 54517211_10158479357772942_2971165028553

53679371_2294030730657706_49453149462221 53814277_2294030733991039_72553306707827 53814277_2294030733991039_72553306707827 54517936_502258753638125_472636288647613

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this