Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Ka Geystey Xasuuqa Dalka New Zealand Oo Maxkamad La Soo Taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-New Zealand)-Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu xasuuqay Muslimiin tukunaysay ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla New Zealand.

tuhunsane.jpg

Brenton Tarrant oo ah 28 ayaa maxkamada degmada Christchurch ka soo muuqday isagoo indhaha ku gubaya saxafiyiintiiku sugneyd maxkamada.

Tarrant oo gacmaha ka katiinadeysnaa xirnaana dhar cad,kabana aan xirneyn ayaa xaakimkii maxkmada u aqriyay dambiyada loo haysto oo ah dil, waxana uu ruxay madaxiisa isagoo ala amray in xabsiga lagu sii hayo illaa April 5 markaas oo maxkamada sare ay dhagaysan doonto dacwadiisa.

Xaakimka Maxkamada Paul Kellar ayaa u oggolaaday weriyaasha inay sawiro ka qaadaan eedeysanaha balse aan la muujin wajigiisa.

Brenton Tarrant ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii shalay salaadii Jimce rasaasta ku furay muslimiin ku tukanaysay labo masaajid oo ku yaal dalka New Zealand,waxaana ku dhintey 49 ruux halka 40 kalana ay ku dhinteen weerarkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this