Sign in to follow this  
Deeq A.

Waddooyinka Muqdisho Oo Xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinkaasi lagu arkayo ciidamo badan oo dowladda federaalka Soomaaliya ah.

Waddooyinka wadnaha iyo Makka Al-mukarrama ayaa ah meelaha ay ciidamo xireen, waxaana loo diidayaa iney halkaasi isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Waxaa la arkayaa shacab u badan shaqaale iyo arday oo ku lugeynaya waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Sababta loo xiray waddooyinkan ayaa ah madaxweynaha Jabuuti oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo furitaanka Kalfadhiga Shanaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this