Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta ku soo wajahan magaalada caasimadda ah ee  Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa saaka si aad ah looga dareemayaa guud ahaan gobolka Banaadir.

Lama shaacin illaa iyo hadda waqtiga  ay qaadabeysi booqashada uu Soomaaliya ku imaanayo madaxweyne Gelle.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona ciidamada dheeraad ah lagu soo daadiyay waddooyinka Muqdisho.

Sidoo kale ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan jidadka caasimadda , si ay u xaqiijiyaan amniga.

Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ah wadamo daris ah, kuwaas oo uu ka dhaxeeyo xiriir fog oo ku dhisan isfaham, wada shaqeyn iyo walaalnimo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this