Deeq A. Posted March 16, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta ku soo wajahan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaban qaabada soo dhaweynta wafdigan ayaa saaka si aad ah looga dareemayaa guud ahaan gobolka Banaadir. Lama shaacin illaa iyo hadda waqtiga ay qaadabeysi booqashada uu Soomaaliya ku imaanayo madaxweyne Gelle. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona ciidamada dheeraad ah lagu soo daadiyay waddooyinka Muqdisho. Sidoo kale ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray inta badan jidadka caasimadda , si ay u xaqiijiyaan amniga. Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ah wadamo daris ah, kuwaas oo uu ka dhaxeeyo xiriir fog oo ku dhisan isfaham, wada shaqeyn iyo walaalnimo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites