Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka, Sweden & UK oo sababay inuu baaqdo kulankii DF iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Waxa baaqday kulan la doonayay in gogol xaar loogu sameeyo dib u bilaabista wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, kulankan waxaa abaabulay ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Oglan Baker, waxaana la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ka furmo 18 March, iyadoo ay labada dhinac ogolaadeen inay soo dirtaan wufuud kulankaas gogol xaadhka ah ka qayb gasha.

Hase yeeshee kulanka ayaa baaqday ka dib markii ay dawladaha Britain, Maraykanka iyo Sweden oo si weyn u danaynaya wada hadalladu ay ka cago jiideen inay goob-joog ka noqdaan kulankaas.

Kulanka ayaa gogol-xaar u noqon lahaa kulanka la qorsheeyey inuu ka dhacyo magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana 19-ka March, sida uu horey u sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaana muuqata in kulankaasna uu baaqan doono.

Somaliland ayuu warku sheegay inay qorshaysay inuu kulankaas uga qayb galo Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon, hase yeeshee ma cadda cidda ay dowladda Soomaaliya u xulatay kulankii.

Dawladda Turkiga ayaa dedaal xoogan ugu jirta inay dalkeeda dib uga bilowdo wada hadallada oo dhawr goor oo kala duwan dalkeeda lagu qabtay, waxaanay doonaysaa inay doorkan qaadato kaalin dhexdhexaadiye oo ka culus kaalintii hore ee ay ciyaari jirtay oo ku koobnayd inay fududayso madasha uu kulanku ka dhacayo.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this