Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada xubno Al Shabaab looga dilay weerar ka dhacay Jilib Marko oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Kumaandooska ee dowladda Soomaaliya ayaa weerar qorsheysan oo lagu bartilmaameydsaday Al Shabaab ka fuliyay deegaanka Jilib Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa geystay ciidamada DANAB oo taageera ka helaya kuwa Mareykanka waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen in xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab lagu dilay weerarka oo ahaa mid qorsheysan.

Diyaaradaha duuliye la’aanta ee loo yaqaan Drone  oo ay adeegsadaan Ciidamada Mareykanka ayaa qayb ka ahaa Howlgalka, kuwaasi oo duqeeyay Deegaanka Jilib Marko sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay baahisay Idaacadda ku hadasha afka ciidamada Qalabka sida, weerarka waxaa lagu dilay 22 dagaal yahan oo ka tirsan Al Shabaab, waxaana ku jiray labo sarkaal oo Al Shabaab  ka tirsanaa.

Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa amniyaatka Shabeelaha Hoose iyo Maxamed Abuu Xamsa oo dhawaan la sheegay inuu kasoo laabtay Syria ayaa la shaaciyay in weerarka lagu dilay.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada DANAB ayaa intaasi raaciyay in ciidamada ay qabteen afar gaari oo Al Shabaab ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa oo la doonayay in shacab lagu dhibaateeyo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay deegaanka Jilib Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen weerarada ciidamada isbaheysanaya ayla eeganayaan xarumaha Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this