Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Casir oo la kulmay waxgradka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Cali Gacal Casir guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay waxgradka, siyaasiyiinta iyo aqooyahannada ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhibaatooyinka haatan ka jita dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxaa shirkani looga arrinsaday arrimo la xariira doorashada soo socota ee maamulkaasi iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa.

Dhanka kale intii uu socday shirkan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday, sidii dib u heshiisiin dhab ah loogu saameyn lahaa beeaha wada daga gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka jira colaado u dhexeeya beelo wada daga deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo aan weli la gaarin xal rasmi ah.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

54522639_2286744301646793_3633986792811659264_n 33 88

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this