Deeq A. Posted March 15, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhigiisi kula dhacay meel u dhow deegaanka Bali-mataan ee koonfurta magaalada Hargeysa. Wasiirka oo aan la xidhiidhnay ayaa Caasimada Online u sheegay in isaga iyo saddex qof oo kale oo la saarna gaadhigaasi ay bad qabaan balse gaadhigu aad u burburay. “Waxaanu ka nimid saaka Oodweyne waxaanan ku soconay Bali-gubadle, gaadhi Land-Cruiser oo aan saarneyn ayaa waxa uu nagula rogmaday Bali-kaliil iyo Bali-mataan dhexdooda, waxaanan aheyn aniga iyo laba Agaasime iyo dilawarka, afartayadii gaadhiga saarneyn wax sidaa u buuran nama soo gaadhin waxase burbur weyn soo gaadhay gaadhigeygii” ayuu yidhi Wasiir Qambi isagoo u waramayay Caasimada Online. Wasiirka ayaa waxa gaadhiga la saarna agaasimaha dhulka iyo guryaha ee wasaaradaasi Maxamuud Maal, agaasimaha xidhiidhka gobolada iyo saxaafada Cabdiraxmaan Wirdaani iyo Darawalkiisa Sakariye Mustafe. Wasiirka ayaa kayimid degmada Oodweyne waxana ay kusii jeeden markii uu haleelay shilkani Magaalada Bali-gubadle. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites