Deeq A. Posted March 15, 2019 Kismaayo (SMN) – Maamulka Jubbaland ayaa xalay magaaladda Kismaayo munaasabad sagootin ah ugu sameeyay wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka. Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka, Axmed Madoobe, madaxwaynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale ayaa xaflada ka qaybgalay. Hadalo kala duwan ayay goobta ka jeediyeen, iyaga oo balanqaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonan, isla markaana ay iska kaashan doonan dhinacyo badan. Wafdiga uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu wadaa in maanta ay dib ugu soo laabtaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Hoos ka daawo sawiradda View the full article Share this post Link to post Share on other sites