Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qabatay rag hub sharci daro waday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceel-waaq (SMN) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duleedka magaaladda Ceelwaaq ee ka tirsan gobolka Mandera ay ku qabtay rag hub sharci daro kasoo gelinayay dalkaasi xadka Soomaaliya.

Taliyaha Booliska gobolka waqooyi Bari, Maxamed Biriq ayaa shaaciyay in raggaasi tiradoodu ay gaareyso afar ruux.

Mr Biriq ayaa intaasi ku daray in mid kamid ah ragga gacanta ay ku hayaan uu dhaawac kasoo gaarey is-rasaaseyn dhexmartay iyaga iyo Booliska.

Taliyaha ayaa daboolka ka qaaday in ay baaritaan ku sameyn doonan qaabka ay raggaasi hubka sharci darada u soo gelin rabeen wadankaasi.

Tan iyo markii horaantii sanadkaan weerar lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasoo dad badan lagu dilay, dowlada Kenya ayaa heegan gelisay ciidamadeeda si ay uga hortagaan weeraro kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this