Deeq A. Posted March 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo caawa ka dhacay isgoyska suuqa bakaaraha ee magaaladda Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay fariisin ay leeyihiin ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, balse ma aysan ku sugneed xiliga uu qaraxu dhacayey. Ma jiro wax khasaaro ah oo illaa iyo haatan lasoo wariyay oo uu geystay qaraxaasi oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Laamaha amaanka oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa nan illaa iyo haatan fahfaahin ka bixin dhacdadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites