Deeq A. Posted March 14, 2019 Muqdisho (SMN) -Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lagu xiray gaari oo maanta ka dhacay waddada Maka Al- Mukarama ee M/Muqdisho. Gaariga qarxay oo ku baakinaa agagaarka isgoyska Shaqaalaha ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa taliyaha qeybta baarista dambiyada ee CID-da. Ma jiro wax khasaare ah oo uu geystay qaraxan, marka laga reebo burbur xoogan oo soo gaaray gaariga oo ahaa Saruf . Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Qaraxani ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites