Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah diyaaradahooda dagaalka ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al Shabaab.

AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntani oo Talaadadii ka dhacday deegaanka Huley ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay labo xubnood oo ka mid ahaa Al Shabaab.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ka qeyb qaateen Ciidamada DFS, islamnarkaana u jeedkoodu uu ahaa sidii loo wiiqii lahaa awooda  Al Shabaab.

Mareykanka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si xoogan howlgallo dhinaca cirka ah kaga fulinayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this