Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo dishay xubno ka tirsanaa Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Nairobi (SMN) – Milatariga dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay dileen dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab, kadib iska hor imaad kooban oo ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Xarakada Shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen xubin kale.

Colonel Paul Njuguna,oo ah afhayeen u hadlay ciidamada milateriga Kenya ayaa sidoo kale xusay in weerarkaasi ay ciidamadooda Al Shabaab kaga soo furteen saddex Qori oo ah nuucyada fudud

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in labo askari oo ka tirsan ciidamadooda uu weerarkaasi ka soo gaaray dhaawac fudud, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in bishii January ee sanadkan ciidankooda qeybta ka ah  AMISOM koofurta Soomaaliya ay ku dileen 7 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Inta badan Al Shabaab ayaa  weeraro gaadmo ah ku qaada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this