Deeq A. Posted March 14, 2019 Garbahaarey (SMN) – Wararka ka imaanaya Gedo ayaa kuwaramaya in maanta dhaq dhaqaaqyo milatari laga dareemayo deegaanka Buusaar ee gobolkaasi. Arrintan ayaa la sheegay in ay timid, kadib markii Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in Al Shabaab warqado ay uga digayaan shacabka in ay ka agdhawaadaan fariisimaha ciidamada ay ku daadiyeen halkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ciidamada Kenya ay ka baxaan xero ay ku leeyihiin deegaanka Buusaar ee gobolkaasi. Xaalada ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal culus uu ka qarxo halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites