Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo wakiil cusub u soo magacawday Geeska Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Ergayga gaarka ah ee dalalka Geeska Africa u soo magacaabay Onanga Anyanga oo ah diblomaasi ka tirsan Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa, kana soo jeeda dalka Gabon.

Mr Anyanga ayaa ah qabiir dhanka howlaha QM, kaas oo horay u soo noqday wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsanaa dalka Jamhuuridda Afrikada Dhexe iyo sidoo kale madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi.

Wakiilka cusub ayaa haatan ka howlgali doona wadamada Ethiopia, Somalia, Eteriya iyo Jabuuti, waana Aqoonyahan dhashay 1960 kii, kaas oo haysta saddex caruur ah.

Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli QM laga sugayay in ay Soomaaliya u soo dirto Ergay cusub, maadaama DFS ay bishii January sanadkani ceyrisay wakiilkeedii,Nicholas Haysom, oo lagu eedeyay in uu ku xadgudbay madaxbanaanida dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this