Deeq A. Posted March 14, 2019 Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in qarax lagu xiray gaari uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, wadada makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in qaraxan lagu soo dhejiyey, lamana oga in halkaasi khasaare ka dhashay iyo in kale. Ciidamada ammaanka ayaa hadda waxa ay wadaan baaritaanka qaraxan, waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites