Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefdi ka socda dowladda Puntland oo gaaray degmada Xiingalool

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20190314_103409_644.jpg?w=1000&ssl=1Wefdiga Puntland ee tegay Xiingalool

Wefdi isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Puntland oo shalay gaaray bariga gobolka sanaag ayaa saaka tegay magaalada Xingalool.

Wefdiga oo u kuur-galaya xaaladda nololeed iyo tan amni ee degaannadaasi ayaa hadda kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Xiingalool.

Gobolka Sanaag ayaa maalmahan laga dareemayaa xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland kadib markii ciidamada Somaliland ay fariisimo ka samaysteen degmada Yubbe iyo tuulooyinka hoosyimaada.

Sidoo kale Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay degaannada ku yaalla bariga gobolka Sanaag halkaas oo la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin ciidamada Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Wefdi ka socda dowladda Puntland oo gaaray degmada Xiingalool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this