Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee ayuu ku dambeeyaa khilaafkii u dhaxeeyay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaasho Cabdullaahi ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyo khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka.

Isaga oo saxaafadda la hadlayay ayuu sheegay in Khilaafkaasi aan wali xal rasmi ah laga gaarin balse ay filayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo, isaga oo rajo ka muujiyay in madaxweynaha dalka uu soo faragelin doono arintaan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaai ayaa sheegay in wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka, waxaana uu sheegay in marar badan la yeeshay kulam arimahaasi la doonayay in lagu xaliyo, balse aan la isku fahmin.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maadaama la isku hayo qodobo Dastuuri ah, dhankooda ay sameeyeen tanaasulaad badan, balse aysan dhicin in dhanka Golaha shacabka ay ka helaan tanaasulaad.

“Wali waa sideesii Khilaafkii jiray, laakiin lagama rajo dhigin, marar badan ayaan kulanay, waxaana u malaynayaa in dhanka Golaha shacabka ay wada shaqeynta ka socon weysay, waana heynaa dhamaan cadeymaha, waxaanse rajeyneynaa in xal laga gaaro, waxaa la isku hayaa qodobo Dastuuri ah”.

“Wax badan ayaan tanaasul sameyney, haddana waxaa wanaagsan in si dhab ah loo wada shaqeyn doono, waxaana arintaan fileynaa in hogaanka ugu sareeyo dalka uu go’aan qeyb ka qaadan doono”ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaafka u dhaxeeya labada aqal ee baarlamaanka uu saameyn ku yeeshay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka oo dhawaan la filayo inuu dib u furmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this