Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war kasoo saaray duqeyn ay la eegteen saraakiil ka tirsan Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Mareykanka ayaa war kasoo saaray duqeyn lala eegtay ciidamo katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka SHabeelaha Hoose.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay aheyd mid ka dhacday deegaan ka tirsan Shabeelaha Hoose, islamarkaana lagu dilay labo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Huleey  oo Shabeelaha Hoose ka tirsan, waxaana lala eegtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida qoraalka lagu sheegay.

Qoraalka Taliska ayaa lagu cadeeyay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah, balse kaliya ay khasaaraha uu gaaray Al Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid Istaraatijiyad ahaa, islamarkaana lagu taageerayey Ciiddanka dowladda , si culays loogu saaro  Alshabaab, waa sida ay sheegteen.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay Duqeyntaas.

Al Shabaab ayaa dhankooda maalin ka hor soo bandhigay agab ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo weeraray saldhiga Al Shabaab ee deegaanka Daarusalaam.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this