Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Kenya oo diiday qorshihii Kenyatta ee xuduudda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa diiday qorshe ay  u gudbisay xukuumadda Uhurru Kenyatta kaasi oo la xiriira darbiga laga dhisayo xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa diiday qorshahaasi, iyadoo xukuumada Kenya ay miiska saartay dhaqaalo gaaraya 3.5 Milyan oo lacagta Kenya ah, taasi oo loo qorsheeyay in dib loogu bilaabo dhismaha darbiga xuduuda labada dal.

Baarlamaanka ayaa sheegay inaysan taasi aqbaleynin, iyaga oo soo jeediyay in badalka lacagta darbigaasi lagu dhisayo lagu daro miisaaniyadda lagula dagaalamayo Al Shabaab, maadaama ay qatar weyn ku yihiin amaanka Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa qorshaha dhismaha darbiga kala qeybinaya xuduuda dalalka Kenya iyo Soomaaliya joojisay bishii March ee sanadii 2018, waxaana  muddooyinkii ugu dambeeyay socotay qorshaha dib u bilaabida dhismaha darbigaasi.

Guddoomiyaha gobolka Maandheera ee Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbigaasi la joojiyay kadib markii ay kulmeen isaga iyo guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya.

Kenya ayaa billowday dhismaha darbi kala qeybinaya Soomaaliya oo uu dhererkiisu yahay 700 km sanadkii 2013kii, iyadoo marar badan uu u joogsaday dhaqaalo xumo.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this