Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Ku Biirey Dalalka Joojiyay Duulimaadka Diyaaradaha Boeing 737

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ayaa ku biirtey dalalka ku dhowaaqay inay dhulka dhigayaan oo ay joojinayaan isticmaalka diyaarada nooceedu yahay Boeing 737 MAX.

america-plane.jpg


Dalal badan oo caalamka ayaa hore ugu dhowaaqay talaabada lagu joojinayo diyaaradan kadib markii dhowaan ay mid kamid ah diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX ay ku burburtay dalka Ethiopia ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa.

Wadamo ku yaalla qaarada Yurub, dalka Shiinaha iyo dalal kale ayaa hore ugu dhowaaqay inay joojnayaan isticmaalka diyaarada Boeing 737 MAX.

Illaa iyo hadda ma jiro sabab dhab ah oo keentay burburka diyaaradan balse waxaa ka horeeyay diyaarad kale oo isla noocaas ah oo ku burburtay dalka Indonisia toddobo bil kahor waxaana ku dhintey 189 ruux,balse lama hayo wax cadeyn ah oo sheegaya in ay xiriir leeyihiin burburka labada diyaaradood.

Shirkada soo saarta diyaarada Boeing 737 MAX oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa amarka uu Madaxweynaha Maraykanka ku bixiyay in la joojiyo duulimaadyadeed waxaa soo dhoweeyay shaqaalaha iyo madaxda hay’ada duulimaadyada dalka Maraykanka.

Si kasta ha ahaatee shirkada Boeing ayaa ku dhowaaqday in ay dhulka dejineyso dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX oo gaaraya 371 illaa amar dambe.

Sanduuqii Madoobaa ee laga ogaan ahaa sababta keentay burburka diyaaradii ku dhacday duleedka magaalada Addis Ababa ayay dowlada Ethiopia ka codsatay dalka Jarmalka inuu baadho macluumaadka ku jira.

Hase yeeshee dowlada Jarmalka ayaa diiday inay baadho sanduuqaas madow iyadoo sheegtay inuu yahay mid ku cusub caalamka isla markaana xogta ku jirta ayna heli karin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this