Deeq A. Posted March 14, 2019 Kismaayo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xalay magaalada Kismaayo ku yeeshay shir gaar ah. Kulankaasi oo kusoo dhamaaday qaab is afgarad ah ayaa waxaa looga hadlay dhamaan waxyaabihii keenay mad-madowga soo kala dhex-galay wadashaqeyntii ka dhaxeysay labada dhinac. Wararka ay idaacadda Shabelle ka helayso caasimad goboleedka Jubadda Hoose ayaa ku sheegaya in la isku raacay in laga wadashaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xirirka labada dhinac. Wadahadalka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulka Jubbaland oo ku dhow gabagabo ayaa lagu waramayaa in laga sameeyay horumar wanaagsan, isla markaana ay jirto isu soo dhowaanshiyo fiican. View the full article Share this post Link to post Share on other sites