Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo ka hadlay qaraxyadii Goofgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay suuqa xoolaha ee degaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay.

Ku dhowaad 50 ruux oo u badan dad shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, halka shan kale ay ku geeriyoodeen, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowlad goboleedkaasi.

Lafta Gareen ayaa ka dalbaday shacabka Koonfur Galbeed in ay ugurmadaan dadkii ku waxyeeloobay dhacdadaasi.

Madaxwaynaha oo sii hadlaya ayaa ka dalbaday shacabka in ay meel uga soo wada jeesteen dadka aan nolasha u ogoleen, sida uu hadalka udhigay.

Ugu dambeyntii, Lafta Gareen ayaa shaaciyay in dadka dhaawaca ah ee degaanada Koonfur Galbeed wax looga qaban waayo ay kala kaashan doonan xukuumada federaalka ah sidii ay u heli lahaayeen daaweyn.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this