Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo Malaayiin dollar ugu deeqaya Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqi doonaan lacag gaareysa 94 Milyan, si loo hormariyo kobaca dhaqaalaha ee dalka.

Garruso Ruiz oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha wadanka ayaa sheegay in uu jeedada yaboohasi lacageed ay tahay in sar u kac uu sameeyo dhaqaalo ka soo xarooda gudaha Soomaaliya.

Ruiz ayaa xusay in lacagahaasi ay ku deeqeen dowladda Soomaaliya in ay ka caawin doonto dhinacyada siyaasadda amaanka iyo wax ka qabashada xaaladaha bin aadanimo ee dalka ka jira.

Ugu danbeyn, wasiirka qorsheynta xukuumadda  Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahad celiyay Midowda Yurub, isagoo sheegay in ay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya saaxiibada qaarada yurub.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this