Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo dalbatay in loo gurmado qaxooti ay ku jiraan Soomaali

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ha’yadda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNCHR ayaa ku baaqday taageero caalami ah oo la siiyo ku dhawaad 1.2 Milyan oo ah qaxooti ay ku jiraan Soomaali oo ku nool dalka Uganda.

Ku xigeenka madaxa ha’yadda UNCHR, Kelly Clements ayaa sheegay in dowladda Uganda ay dadaal badan ku bixisay sidii loo caawin lahaa qaxootigaas ay Soomaalida ku jiraan ee dalkeeda ku sugan, balse ay u baahanyihiin kaalmo dheeraad ah.

UNCHR ayaa xustay in qaxootiga Soomaalida ku jiraan oo ay martigalineyso dowladda Uganda ay ku jiraan caruur, waxaana intaasi ay ku dartay in caruurtaasi ay wajahayaan waxbarasho la’aan baahsan.

Sidoo kale, ha’yadda ayaa ku dhawaaqday in dib u qorsheyn doonto lacag gaareysa 100,000 oo dollarka Mareykanka, oo loogu tala galay meelo kale, si ay caruurtaasi qaxootiga ah ay u helaan waxbarasho.

Dowladda Uganda ayaa marti galisay kumanaan qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka South Sudan, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, Burundi, Rwanda iyo Somalia, kuwaas oo degaansaday duleedka magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi Uganda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this