Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo war ka soo saartay cayrintii Haysom iyo lacag ay ka joojiyeen booliska…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ben Fender oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa bixiyey wareysi xasaasi ah oo ku saabsan Xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya.

Wareysigaan oo idaacadda Goobjoog uusiiyey, ayaa wax badan lagu waydiiyey Safiirka Arrimo ku aadan taageerada UK ee Soomaaliya, Ammaanka, iyo Mashaariicda dib u dhiska.

Sidoo kale, waxaan wax laga weydiiyey Mr. Ben Fender qorsheyaashooda soo socda ee garab istaagidda Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Warbixintaan ayaa kusoo qaadan doonaa Safiirka Dowladda Ingiriiska oo wax laga waydiiyey ceyrintii Ergeygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Haysom iyo inay saameyn ku yeelan doonaan safiirka cusub ee lasoo magacaabi doono.

Safiirka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in la ceyriyo Safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Heysom, isagoo qeexay inay Qaramada Midoobay ka wado Soomaaliya shaqo muhiim ah oo ay ugu horeyso Amniga iyo Doorashooyinka ayna arrintaas taageero weyn ka geysato Dowladda Ingiriiska.

Wuxuu Dowladaha kale ugu baaqay inay sida Ingiriiska oo kale uga qeyb qaataan kaalmooyinka Soomaaliya loo mariyo hey’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay.

Safiirka ayaa si cad u beeniyey inay dowladiisa saameyn ku yeelaneyso magacaabista ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u fadhiisan doono Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inaysan Ingiriiska shaqo ku laheyn magacaabista Safiirka cusub balse ay tahay shaqo u taalo Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres sida uu isaga fahamsan yahay.

Bishii January ee Sanadkaan ayey aheyd markii ay Dowladda Soomaaliya ku amartay Heysom inuu si deg deg ah isaga baxo Soomaaliya kadib markii lagu soo oogay inuu faragelin qaawan ku hayo Arrimaha Gudaha iyo madax banaanida Soomaaliya.

Inkastoo António Guterres uu isku dayey inuu Dowladda Soomaaliya ku qanciyo inay go’aankeeda ka laabato haddana wuu ku fashilmay wuxuuna ku dhawaaqay inuu aqbalay amarka Dowladda uuna dhawaan soo magacaabi doono xoghaye cusub.

Hadalkii keenay in la ceyriyo Heysom ayaa ahaa markii uu  qoraal kasoo saaray rabshado  ka dhacay magaalada Baydhabo intii ay socotay doorashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, waxayna rabshadahaas dhaceyn markii ay Dowladda Soomaaliya si xoog ah usoo xirtay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed kaasoo dhawaan kasoo goystay Kooxda Al-Shabaab.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay dib u bilaabeyn kaalmadii ay siin jireen Ciidamada Booliska Soomaaliya ee joogo Magaalada Baydhabo, wuxuuna ciidamada ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida kana fogaadaan isticmaalka xogga iyo caburinta shacabka.

Qaar ka mid ah Dowladaha Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska ayaa horey ugu dhawaaqay inay joojiyeen mushaarka Ciidamada Booliska ee Baydhabo ka howlgalo kadib markii ay qeyb ka noqdeyn rabshadaha ka dhacay Magaalada oo ay ku dhinteen dad badan oo uu ku jiray Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this