Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo la sheegay in lacag dhan $400,00 ay ku iibisay maacaabis guddoomiye gobal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa taagan khilaaf xoog leh oo ka dhashay maagcaabistii Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax, oo maalmo ka hor lagu dhawaaqay kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaal dhaqan iyo siyaasiin ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay, waxayna halkaasi doonayaan in ay kula kulmaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), si ay cabashooda ugu gudbiyaan Madaxweynaha.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay islamarkaana cabashada ka ah Magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in aan lagala tashan magacaabista oo ay aheyd in laga tala geliyo arrimaha Gobalka sidii markii hore ahaan jirtay ama looga tala gelin jiray.

Odayaashaan ayaa Caasimada Online u sheegay in ay xog ku heleen in dowladda Soomaaliya ay codsatay in Ibaahim Aadan Najax loo magacaabo Xilkaan kadib markii ay lacag ka qaadatay walaalkiisa Isaaq Aadan Najax oo ah Ganacsada maal-qabeen ah.

“Waxaan xog ku heynaa in lacag dhan Afar Boqol oo kun oo dollar Xukuumada la siiyay, waxaana lacagtaasi bixiyay Isaaq Aadan Najax oo ah Ganacsade caan ka ah Sh/Hoose iyo Muqdisho, waxaana dalaal ka ahaa Wasiirkii hore ee Warfaafinta KGS”, ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Gobalka Sh/Hoose oo ku sugan Baydhabo.

“Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa laga amray in Ibaarhim loo magacaabo Guddoomiyaha Gobalka kadib markii la siiyay lacagtaasi, annaga talo kuma yeelan, musuq maasuq ayuu ku yimid”, ayuu hadalkiisa raaciyay Nabaddoonkaan la hadlay Caasimada Online.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha weli kama jawaabin eedeyntan.

Dhowaan ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha KGS waxaa xilka Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose loogu magacaabay Ibraahim Aadan Najax oo hore xilkaan usoo qabtay.

Najax markii ugu dambeysay waxa uu ahaa Wasiir u-dowladaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya xiligii Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this