Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceel-waaq (SMN) – Diyaarado oo aan wali la aqoonsan dalka laga leeyahay ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geystay degaano hoostaga degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay idaacada Shabelle in gantaaladda ay soo rideen diyaaradaha ay qaarkood ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay jiraan khasaaro ka dhashay weeraradaasi cirka ah, inkasta oo aanan la ogayn tiradda saxda ah.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeymahaan oo kasoo baxay masuuliyiinta gobolkaasi oo hoostaga maamulka Jubbaland.

Inta badan diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa howlgalo dhinaca cirka ah oo ay ku beegsanayaan goobo ay ku tuhmayaan Al-Shabaab ka fuliya gobolada hoosta Jubbaland xili mararka qaar ay dad shacab ah wax ku noqdaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this