Deeq A. Posted March 13, 2019 Ceel-waaq (SMN) – Ciidamada Kenya ayaa lagu waramayaa in dad shacab ah ay dil iyo dhaawac ugu geysteen degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Dadka degaanka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay timid markii labada qof oo watay Mooto Fekon ah si kusoo dhaceen goob ay ciidamadu ka sameysanyeen dhufeesyo. Ruuxa dhaawaca ah ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla gudaha magaaladda si xaaladiisa caafimaad oo xiligaasi liitadatay wax looga qabto. Wali arrintaan kama aysan hadlin masuuliyiinta gobolka iyo degmada, kuwaasoo hoostaga maamul goboleedka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites