Sign in to follow this  
Deeq A.

Col. Caarre oo sheegay in uu qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Caare-sax-sax.jpg?fit=1000%2C563&ssl=1Col. Caarre oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe

Col. Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo hoggaamiya jabhadda la’dagaallanta Somaliland ee ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland.


Wuxuu sheegay in isaga oo kaashanaya dowladda Puntland uu dagaal ku qaadi doono degaannada ay soo galeen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag islamarkaana uu xabadda ka bilaabi doono gudaha magaalada Ceerigaabo sida uu hadalka u dhigay.


Sidoo kale wuxuu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ku hanjabay in la soo qaban doono balse caarre ayaa sheegay in isaga laftiisu uu dhowaan qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland markii dambena uu reer ahaan u siidaayey.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id

PUNTLAND POST

The post Col. Caarre oo sheegay in uu qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this