Sign in to follow this  
Deeq A.

Rug-Caddaa Maxamed Cali Waji Oo Ku Guullaystay In Uu Is-bedel Ku Sameeyo TV-ga Qaranka Iyo Waxyaabaha Uu Soo Kordhiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland gaar ahaan Tv-ga Qaranka ayaa tan iyo intii loo magacaabay in uu Agaasime ka noqdo Ruug-cadaaga wayn ee Maxamed Xasan Cali Waji ayaa markiiba waxaa laga dareemayaa is-badal xoogan oo shacabka ku nool guud ahaan dal iyo dibad-ba ay ku diirsadee.

download-1-1.jpg

Isbadaladan ayaa ah mid lagu tayaynayo Barnaamijyada iyo wararka ka baxa Tv-ga Qaranka siddii loo abuuri lahaa kuwo kala oo ka hadlaya dhamaanta baahiyaha aasaasiyga ah ee arrimaha bulshada.

Mudane Maxamed Xasan Cali “Waji” ayaa isagoo fulinay waajibaadka Xilleed ee saaran uguna faa,idaynaya aqoontiisa Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu markiiba sameeyay qorshe lagu howl galinayo dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee Tv-ga waxaa uu dib u eegis ku sameeyay barnaamij –yadii hore u bixi jiray Tv-ga siddii loo tayayan lahaa, Soo-saare iyo Tabiye kastana loo-la xisaabtami lahaa,

Dhinaca kale guud ahaan shaqalaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta ayaa hal mar la jaan-qaaday Agaasimahan Cusub ee Maxamed Xasan Cali “Waji” oo intooda badan muddo dheer ay soo wadda shaqeeyeen.

Talaabadan lagu dar-dargalinayo waajibaadka qaran ee wasaaradda ayaa wakhti xaadirka u muuqda mid lagu xoojiyo gudasha Xil-waajibeedka qaran ee ay haayaddani u igman tahay,

Geesta kale Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda ayaa iyaguna dhankooda wadda in ay abaal-marino siiyaan qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ee ugu shaqada wanaagsan si loo dhiiri-galin howl-wadeen walba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this