Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaali Ah Oo Goordhawayd Lagu Dilay Magaalada Pretoria Ee Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pretoria)-Waxaa Goor dhawayd kooxo budhcad Koonfur Afrikan ah gudaha wadankaas ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaas.

dilka.jpg

Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xafada Mamelodi oo hoos tegta Magaalada Pretoria, isla markaana kooxo hubeysan oo budhcad ah ay dhowr xabadood ay la dhaceen Muwaadinka Soomaaliga ah,waxaana xilliga falkan uu ka dhacaayay ku sugnaa halkaasi.

Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Marxuumka lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh, kaasi oo kamid ahaa Ganacsatda Soomaalida ah ee kunool dalka Koonfur Afrika.

Labda habeen kahor ayey aheyd markii wiil Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Xuseen Muxumed Xasan sidaan oo kale loogu dilay Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa Sanadkan gudihiisa lagu dilay dhowr qof oo Soomaali ah kana kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaasi,iyadoona weli ayna jirin cid ka hadashay dilalka arxan darada ah ee loo geysanaayo Soomaalida kunool Koonfur Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this