Deeq A. Posted March 13, 2019 Pretoria (SMN) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa maanta ganacsade Soomaaliyeed ku dilay magaalada Pretoria ee dalka Koonfura Afrika. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Mamelodi oo ka tirsan magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cali Xoosh, kaas oo ay kooxdii dishay goobta isaga baxsatay. Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi. Sanadkan 2019-ka ayaa waxa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites