Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha dagaalkii Gaalkacyo oo kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa malayshiyaad hubaysan oo hab-beeleed u abaabulan ku dhexmaray dhul-bannaan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhulkaas oo labada dhinacba sheeganayan lahaanshihiisa.

Saraakiisha amniga iyo mas’uuliyiinta caafimaadka Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in ilaa 6 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaallamay ay ku dhinteen dagaalkii saaka halka in ka badan 7 ruux oo kalena ku dhaawacmeen.

Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ee dowladda Puntland oo kaashanaya laamaha amniga iyo waxgaradka ayaa markii dambe ku guulaystay in la kala qaado malayshiyaadkii bogcadaha ku dagaallamay.

PUNTLAND POST

The post Khasaaraha dagaalkii Gaalkacyo oo kordhay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this