Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefdi ka socda dowladda Puntland oo gaaray magaalada Badhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowladda Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Socdaalka wefdiga ayaa la xiriira u kuur-galka xaaladda gobolka waxaana ay kulan la qaateen maamulka gobolka Sanaag kan degmada Badhan iyo saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan degaanka xilli ay halkaasi ka jirto xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo ka baxay magaalada Badhan ayaa sidoo kale u ruqaansaday dhinaca degmada Yubbe oo ay maalmo ka hor fariisimo ka sameysteen ciidamada Somaliland.

Xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa maalmaham dambe ka aloosan gobolka Sanaag kadib markii Somaliland ay ciidamo soo dhoobtay degmada Yubbe iyo tuulooyin hoosyimaada.

PUNTLAND POST

The post Wefdi ka socda dowladda Puntland oo gaaray magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this