Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 50 Qof oo ku waxyeeloobay qaraxyo ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo afar gaaraya oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Koof-Gauud Buurey oo 30 KM galbeed ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxyada oo ahaa kuwa miinooyin ah ayaa waxaa la sheegay in lagu Aasay suuq Xoolaha Nool lagu iibiyo oo ku yaalla deegaankaasi.

Wararkaqaar ayaa sheegaya in marka ay qaraxyadu dhacayeen suuqu uu ahaa mid mashquul badan, islamarkaana ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah.

Afhayeenka maamalka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar Gacma ayaa Shabelle u xaqiijiyay in qaraxyadani ay ku dhinteen illaa shan Qof, kuna dhaawacmeen 40 kale, kuwaas oo dhammaan ahaa dad rayid ah.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in dadka dhaawacmay loo soo qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka K/ Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale Nuuradiin Gacma ayaa ka warbixiyay socdaal uu madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen maanta ku tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Socdaalkan ayaa waxa uu sheegay in madaxweynuhu ay ku wehlinayaan Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS, kuwaas oo u kuur galaya xaaladaha degmadaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/COd.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this