Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Dabruube Maxamed Oo eedeysay Xildhibaanka ku matala Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Odayaashandhaqanka Beesha Dabruube Maxamed ayaa eedeyn kulul u jeediyay Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali oo Beeshooda ku matala baarlamaanka Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

Ugu horreyn Nabadoon Maxamed Cadaan Xasan oo ka mid ah waxgaradka ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin Xildhibaanka Cabdalla, oo uu ku eedeeyay in uu kala qeybinayo Beesha.

Dhankiisa Nabdoon Abuukar Maxamed Cismaan (Ceel Jaale ) ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdalla Xuseen Cali uusan marnaba wax u qaban beesha uu ka soo jeedo ee Dabruube Maxamed, kuna matalo baarlamaanka, balse taasi badalkeeduu garab iyo gaashaan uu unoqday Nabadoon ay Beeshu bedashay, sida uu hadlka u dhigay.

Ugu dambeyn Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamed oo gabagabadii kulanka hadlay ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya  ay u gudbin doonaan cabashooda, haddii uu xildhibaanku joojin waayo dhibaatada uu ku hayo Beesha gudaheeda.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.

https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/War-Dagane-Besha-Dabruule-Maxamed-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this