Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo guddoomiyay shir lagu qabtay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa markii labaad maanta guddoomiyay shirka jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub, kaas oo ay ka qeyb galeen golaha wasiirada maamulkaasi.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin  nidaamka wadashaqaynta xukuumadda Puntland, habka xalinta khilaaf haddii uu yimaado, illaalinta sharafta , maamul wanaagga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Deni ayaa muddooyinkan dambe kulamo la qaadanayay golihiisa wasiirada, si loo dardar galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda cusub.

Sidoo kale waxa uu tan iyo markii xilkan loo doortay Saciid C/laahi Deni maamulkiisu uu waday isbdallo xoogan oo wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira deegaanada Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this