Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada AMISOM Qarax lagula eegtay Ceelasha Biyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in maanta kolonyo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM qarax lagula eegtay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa nuuaca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay marayeen halka loo yaqaano Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidanka AMISOM, balse ilo deegaanka ah ayaa sheegay in mid ka mid gawaaridooda uu haleelay qaraxaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay ka soo baxeen xero ay ku leeyihiin Arbacow, kuna soo jeedeen M/Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ceelasha Biyaha oo ku aadan qaraxaasi.

Al Shabaab ayaa had iyo jeed weeraro ka fuliya waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this