Deeq A. Posted March 13, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Arbacoow oo ay Saldhig ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in jugta qaraxa lag maqlay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo deegaanada ku dhow, isla markaana lala eegtay kolonyo ay la socdeeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka yimid dhinaca deegaanka Arbacow. Qaraxa kadib ayaa Ciidamadu waxa ay fureen, waxaana weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM iyo rasaasta ay fureen intaba. Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, iyada oo Ciidamada AMISOM ay xireen wadada soo gasha iyo tan ka baxda goobta uu qaraxa ka dhacay. Deegaanada lu yaalla Duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan qaraxyo lagula eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay ku socdaalayaan,waxaana khasaaro kasoo gaartaa Ciidamada iyo dadka Shacabka ah ee maraya halka ay qaraxyada ka dhacaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites