Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Xayiraad Cusub Saaraya Dalka Venezuela

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ergayga gaarka ah ee Dowladma Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha siyaasadda ee dalka Venezuela, Elliott Abrams, ayaa sheegay in maamulka madaxweyne uu todobaadkan ku dhawaaqi doono cunaqabateeno cusub oo lagu soo rogo doono Venezuela.

6868ACBF-0696-43D6-A68A-300DEABFD5B7_w10

Diblamasaaigani wax faah-faahin ah kama uusan bixinin cunaqabateynta cusub ee la saarayo dowladda Venezueal, balse wuxuu sheegay in si gaar ah loo beegsan doono hey’adaha maaliyadda maaliyadda iyo sharkhsiyaad lagu soo rogi dooni xayiraad dhinaca dalkugalka Mareykanka ah.

Mareykanka wuxuu horay cunaqabateyn u saaray saraakiil dhanka amaanka ah, shirkadda soo saarta shidaalka ee ay dowladda Venezuela maamusho iyo bankiga ay isla leeyihiin Ruushka iyo Venezuela.

Xayiraaddan cusub ee uu Mareykanka saarayo Venezuela ayaa kusoo beegmeysa xilli uu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ku dhawaaqay in maamulka madaxweynha Trump uu xirayo safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Caracas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this