Deeq A. Posted March 13, 2019 Afgooye (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Bare oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa soo dhaweeyay howlgallada milatari ee ka socda gobolkaasi. Guddoomiye Bare ayaa uga mahadceliyay DFS, sida ay uga go’antahay in Al Shabaab laga saaro gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in howlgalladan ay dib u soo celinayaan nabadda iyo xasiloonida gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-cabdiqani-sh-hoose.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites