Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Kenya ka caawinayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Safiirka dowladda Mareykanka ay u soo magacawday dalka Kenya Kyle Mac Carter ayaa sheegay in ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii dowladda fadhigeedu yahay Nairobi uga guuleysan laheyd dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Safiirka ayaa xusay in xukuumadda Washington ay Kenya kala safaneyso sidii loo wiiqi lahaa dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ay ka sameeyaan dalkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay safiirku in ammaanka iyo nabadda Kenya ay faa’ido badan ugu jirto dalalka gobolka.

Kyle Mac Carter ayaa intaasi ku daray in uu wax waliba u sameyn doono sidii Kenya ay uga hortagi laheyd weerarada lagu soo qaado dalkeeda.

Dalkan dhaca geeska Africa ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro Al Shabaab ay ka fuiyeen gudaha Kenya,waxaana ugu dambeeyay weerar bishii Janaayo ee la soo dhaafay lagu qaaday hotel ku yaalla galbeedka magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this