Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo saaka laga sameeyay M/ Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Ciidamada ammaanka HirShabelle ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxa ay sheegeen in lagu xaqiijinayay amniga magaaladaasi.

Inta ay socdeen baaritaanadan ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay mootooyinka nuuca loo yaqaano Fekon-ta, kuwaas oo aan sharciyeysneyn.

Illaa iyo hadda ma jiro warar faah faahan oo ay saraakiisha dhanka amnigu ka bixiyeen howlgalladaani.

Muddooyinkii dambe xaaladda Jowhar ayaa aheyd mid dagan, iyadoona aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this