Deeq A. Posted March 13, 2019 Dooxa (SMN) – Hay’adda Bisha Cas ee dalka Qatar ayaa saddex gobol oo ka mid ah Soomaaliya ka bilaabeysa wajiga sadexaad qorshe lagu hormarinayo goboladaasi. U jeedka qorshahan ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii loo caawin lahaa dadka beeraleyda ah iyo kuwa ku soo laabanaya deegaanadooda,si loogu sameeyo dib u dajin rasmi ah. Hay’adda ayaa sheegtay in wajiga sadexaad ee qorshahaasi ay ka bilaabi doonto gobollada Banaadir iyo labada Shabelle oo ay sheegtay in ay ku barakaceen kumanaan ruux oo ka cararay abaaro iyo colaado is biirsaday. Bisha Cas oo kaashaneysa saaxiibadeyda iyo beesha caalamka ayaa dadka beeraleyda ah ugu deeqi doonta 3,000 (sadex kun) oo ah agaka beeraha. Sidoo kale hay’adda ayaa xustay in ay beeraleyda siin doonto tababar ku aadan sida dhulalka loogu diyaariyo beerashada. Hay’adda Bisha Cas ee Qatar ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 1978, mana ahan markii ugu horeeysay oo qorshayaashan oo kale ay ka fulineyso Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites