Deeq A. Posted March 13, 2019 Sawirkan waa mid hore Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhimatay 5 kalena waa ku dhaawacantay dagaal saaka malayshiyaad hubaysan ku dhexmaray aga’gaarka xabsiga weyn ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Malayshiyaadka ayaa ku dagaallamay bogcado ku yaalla dhul-bannaan oo dhanka waqooyi galbeed kaga beegan xaafadda garsoor ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo maalmahan uu ka taagnaa khilaaf-dhul sida uu warbaahinta Puntland post u sheegay weriye jooga Gaalkacyo. Dagaalka oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa haatan istaagay inkastoo weli la maqlayo rasaas goos-goos ah sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka ku sugan nawaaxigaasi. Sidoo kale waxay sheegeen in malayshiyaadkii dagaallamay ay weli joogan meela isu’ muuqda islamarkaana aysan jirin cid kala dhexgashay. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites