Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Jeesow oo sheegay in Kheyre uusan la kulmin dad adoonsi ku jira oo ku sugan Kismaayo (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada Baarlaaanka Soomaaliya ayaa si adag u weeraray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Xildhibaan Jeesow ayaa ugu horeyn sheegay in shacabka Kismaayo ay ku jiraan wuxuu ugu yeeray Adoonsi, maadaama dadka lahaa talada deegaanada Jubbaland ay dhibaato kala kulmaan maamulka, sida u hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayuu sheegay inuu la kulmay dad gaar ah oo loo soo xulay, maadaama sida uu sheegay addoonsi la geliyay dadkii lahaa talada maamulka Jubbaland.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in shacabkaasi ay doonayaan inay arkaan ra’iisul wasaarahooda balse laga hor taagan yahay, isaga oo ugu baaqay Kheyre inuu sameeyo talaabo kasta oo dadkaasi uu kula kulmi karo.

“Dadka Reer Kismaayo adoonsi ayay ku jiraan, dadkii loo baahnaa Ra’iisul Wasaaraha lama kulmin dad gaar ah ayaa loo soo xulay, marka ra’iisul wasaaraha dhibka meesha ka jira wa uu ogyahay, waxaana laga rabaa in isaga oo ka taxadaraya ammaankooda uu dadkaasi qaabilo lana kulmo” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Siyaaiyiin farabadan oo kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa aad u dhaliilsan Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu ku maamulo maamulkaasi, kuwaasi oo aaminsan in aragtidiisa kaliya cida ku Shaqeyneysa uu doonayo.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Jeesow.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/cod-1-xildhibeen-jeesow-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this